Somaliland Patriots www.somalilandpatriots.com The gateway to the genuine voice of the civil society, news and other activities in the Republic Of Somaliland Mission Statement :To promote and protect the cause, sovereignty, peace, democracy, good governance, rule of law, human rights, free market system , healthy political dispensation or stewardship, and general political, economic social development in Somaliland .Contact Us :Info@somalilandpatriots.com
Somaliland Patriots News       
Dufcadii Saddexaad Arday Ka Qalin Jabisay Dugsiga Sare Ee Sheekh/JSL.       Michael Jackson Oo Soo Islaamay.       Tacsi Tacsi Tacsi       Islamists say they'll fight Somali pirates       Shir La Isugu Yeedhay Shirkadaaha Xiiseynaya In Ay Saliid Ka Soo Saaran JSL.       Shirweyne Loogu Baaqayo Jaaliyadda JSL Bristol/UK. St Pauls Sports Centre 23/11.       Somali pirates demand $25 mln for oil tanker       J. Djibouti Oo Sheegtay In Aqoonsiga JSL Ka Dhex Guuxayo.       Faallo mal leh... No Comment... Keine Kommentar... No Coment... Biduun tacliiq.      
Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News Somaliland Patriots News | Somaliland News
   Home | Somali News | Somali Articles | Health | Opinion | Feedback | Search | Archive | Submit News | RSS Feeds

Main

 

BBC Somali

 
Somali Links
Ka Dhageyso Qur''aan
Radiohargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Gedo
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Radio Hormuud
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Raad Radio
Channel Africa  
A

Africanewsonline
Aftahan
Alldalka
Allpundland
Al-taqwaa
apd-somaliland
awdaldevelopment
B

Baidoa 
BBC Laanta af Somalia
Balcad
Banadir-islam
Banadir
Boosaaso
Boqolsoon
Boramenews
Bulsho
Bulugleey
Burtinle
Buuhoodle
Buurhakaba
C

Cayaaraha 
Codka Soomaaliyeed G
Gabilay
Gantaalnews
Garissa
Garsoor
Geeska Afrika
Gedonet Online
Gedoweb Online
Gobanimo
Golaha guurtida Somaliland
H

Hadhwanaag
Hadhwanaagnews
Halgan
Halgannews 
Hargeysa
Hargeisa City Official Site
Hiiraan
Hiiraan Today
Hilinkatoosan
HornAfrik Online
HormoodNews
HorseedNet
Horyaal
Hoteelka Ambassador
Hobyonet
Hargeysa Online
I
Idamaale
Iftiinka aqoonta
IGADNEWS SOMALI
J

Jamhuuriya
Jammaame
Janaale
Jigjiga
JowharOnline
Jowhar
K

Kooshin.com
Kasmo
Kenya Somalia 
Kulmiye
L
Lafoole
Laascaanood
Laasqoray
longlivesomaliland
M

Maandeeq
Markacaddeey
Markacadey net
Midnimo
Midgaan
Mudulood
Mudug-online
Muqdishonet
N
Nugaal
O

Ogadennews
OGADEN ONLINE
P
Puntlandpost
Q

Qaran News.
R
Radiohargeysa
RadioSomaliland
Ra''yi press
radiohargeysalive
radiohargeysa24
radiohargeysa
Realpuntlander
Redsea-online
Ruunkinet T
Togane
Togdheer Online
Tvsomalilandeurope
T vsomalilandinter..
TogdheerNews
togaherer
W
Waano
Waagacusub
Wariye
Wakiil
Wardheernews
Wardoon
Warsan
WIDHWIDH
waridaad
U
Ucidparty
UDUB
UMAK
X

xamarnet.com
Y

Yaaqshid
Yoobsan Oline
Youth Anti AidsSomalia
Newspapers
Wargeyska Haatuf
JSL, Coming President. Supperhero. Sir Omar Al-Hagi


Heesaha Hirgalay

Abwaan Cali Sugule Dun-Carbeed.

wargaysyada dalka iyo wararkii caasimadda hargaysa jsl.

wargaysyada dalka iyo wararkii caasimadda hargaysa jsl.

News


 
1. Madaxweynaha JSL Md. Daahir Rayaale Kaahin waxa uu maanta u magacaabay Wasiir Cusub Wasaarada Dib-u-Dejinta JSL.2. Md. Warancadde Oo Ka Mid Ahaa Wasiiradii Maanta Madaxweynaha Kala Qayb Galay Xafladii Qalinjabinta Ardayda. 3. Bilowga Hawsha Wacyigelinta Diiwaangelinta Doorashooyinka oo la isku waafaqay. Sawirada







1. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu maanta u magacaabay Wasiir cusub Wasaarada Dib u Dejinta Somaliland.

Madaxweynuhu , isaga oo tix raacaya qodobka 90-aad ee dastuurka Somaliland , faqradiisa labaad , isla markaana tix gelinaya ahmiyada weyn ee Wasaarada Dib u Dejintu u leedahay dhismaha Qaranka waxa uu u magacaabay Wasiirka Wasaaradaasi Mudane Maxamed Yuusuf Cismaan.


Madaxweynuhu isaga oo ku qanacsan kartida aqooneed iyo hufnaanta shaqo ee uu leeyahay Mudane Maxamed Yuusuf Cismaan waxa uu ku amray in sida ugu dhakhsaha badan uu ula wareego xilka loo igmaday"


Dhanka kalena madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu dhambaal tacsi ah u diray Xukuumada iyo shacbiga reer Zambia isaga oo ka tacsiyadaynaya geeridii dhawaan ku timid Madaxweynihii Zambia Levy Patrick Mwanawasa.


Madaxweynuhu waxa uu ku yidhi Dhambaalkiisaasi "Aniga oo ku hadlaya magaca xukuumada iyo shacbiga Somalilandba waxa aan idin soo gaadhsiinayaa tacsi niyad sami ah , anaga oo ka xun geeridii ku timid Madaxweynihii Zambia Mudane Levy Patrick Mwanawasa , anaga oo u rajaynayna in Eebe samir ka siiyo qoyskii iyo shacbiga reer Zambia oo dhan".


Madaxweynahaasi reer Zambia ee geeriyooday waxa uu ahaa nin ka baxay Zambia iyo Afrika inteeda kaleba, waxana uu ahaa saaxiib aad ugu fir fircoon xidhiidhka Fiican ee ka dhexeeya Somaliland iyo Zambia oo uu had iyo jeer jeclaa Nabada , xasiloonida iyo dimuqraadiyada curdinka ah ee Somaliland ay dhisatay"


2. Warancadde Oo Ka Mid Ahaa Wasiiradii Maanta Madaxweynaha Kala Qayb Galay Xafladii Qalinjabinta

Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ka qayb galay xaflad loo sameeyey macalimiin ka qalin jabisay jaamacadaha dalka oo dhamaysatay laba sanadood oo tababar macalinimo ah.

Xafladan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda waxbarshada iyo masuuliyeenteena oo uu hormuud ka yahay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Mudane. Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Gadhweyne), waxa ka soo qayb galay Wasiirada Arrimaha gudaha,MUDANE CIRO, duulista iyo hawada MUDANE  WARANCADDE, hawlaha guud, Hidaha iyo Dhaqanka , Wasiirul dawlaha Arrimaha Dibada, Qorshaynta Qaranka , Macdanta iyo Biyaha, xildhibaano, masuuliyiin, marti sharaf iyo madax ka kala socota hay'adaha caalamiga ah.

Madaxweynaha Somaliland. Md. Daahir Rayaale Kaahin oo hadal halkaa ka jeediyay waxaanu hadalkiisa ku bilaabay: "Waxaan ku faraxsanahay xafladan Qiimaha leh ee muddada sanadaha ah soo socotay, run ahaantii waxaan mahad gaar ah u soo jeedinayaa dhamaan inta wasaaradu u soo jeedisay eek ala shaqaysay, ha'y'addaha kala shaqeeyay.

Waxaan is leeyahay run ahaantii in Macalinka la tabobaraa ay tahay aasaaska waxbarashada haddaanu tabobar lahayn dugsiyadu waxay noqonayaan meelo la tago oo laga soo noqdo oo ardaygii oon wax baran ka soo noqonayo, Madaxweyne ahaan barnaamijkan anigu ma moogi wasaaraddu kolba halka wax marayaan way ila socodsiinaysay, waxaan jirtay siyaasadiisa markaanu isla eegnay in Koolaj la furo oo gobollada dadka inta laga soo ururiyaa lagu xareeyaa faa'iido aanay lahayn, waxaananu u aragay Macalin, Buug, iyo Kalaas in halka ay yaallaan ay yihiin Jaamacadaha, taasina ay keentay in tabobarada ay ku qaataan Jaamacadaha gudahooda, ardayguna meesha ugu haboon ee uu wax ku baran karaan ay jaamacadaas tahay Iyo mida labaad oo ah in Jaamacadaha laftooda lagu xoojiyo oo aanay dhexda ka jabin, aad baan ugu faraxsanahay natiijada ka soo baxday, waxaanan aad u taageersanahay in gabdhaha xoogga la saaro, waxaanan ballan qaadayaa in gabdhaha ka soo baxay ay dhamaantood wasaaradu shaqo siiso.

Waa laga yaabaa in laga warqabo dowladdu Resource- badan oo ay macalimiinta siisaa inaanu jirin, dugsiyadda gaarka ah bay inta badan macalimiintu tagaan siyaasada aanu dawlad ahaan wasaaradda isku ognahay waxa weeye in dugsiyada gaarka ahi haddii ay ku shaqayn waayaan manhajka dalka u yaala aan la aqoonsan doonin shahaadada ay bixinayaan, waa in Manhajka waxbarashada ay ku shaqeeyaan oo aanay meeshu noqon meel ganacsi loo furto, mid kastaana aanu odhanin shahaado ayaan bixiyay berrina tayadu halkaa ku xumaan.

Meelo badan baan tegey oo aan kala hadlay sida EU-da oo kale sidii ay macalinka gacan uga gaysan lahaayeen dhaqaalihiisa, waana arrin taalla oo u baahan in la iska kaashado Waalidka, Xukuumada iyo hay'adaha deeqaha bixiyayaasha ah sidii ay suurto gal u noqon lahayd in macalinku dhaqaalle ku filan helo oo uu tuullo kasta wax ka dhigi karo, waxaan aad iyo aad ugu ammaanayaa jaamacadihii ardayda tabobarka siiyay waxaanan leeyahay dadaalkiina halkaa ka sii wada xukuumadduna way idinku garab taagan tahay, waa in tayada macalinka kor loo qaadaa oo uu gudbin karaa waxa uu bartay.

Aad iyo aad baan u hambalyaynaa gabadhii halka ka hadashay ee magaca ardayda ku hadlaysay, wasaaradda iyo hay'addaha la shaqeeyana waxaan ku ammaanaya sida wada jirka ah ee ay wax uga qabteen tayada waxbarashada, waxaanan aaminsanahay haddii barnaamij la sameeyo in guul laga gaadhi karo, wasaaradaha kale waxaan kula talinayaa in hay'adaha la shaqeeya ay sida wasaaradan oo kale ka faa'iidaystaan."

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: "waxaan ku dari lahaa waxa laga yaabaa wasaaradda waxbarashada markasta waan imaadaa, waxaana laga yaabaa inaanan baryahan danbe jaamacadaha tegin oo laa is weydiin karo madaxweynuhu muxuu jaamacadaha u tegi waayay, oo ahayd inaan tago. Halkaa waxayaabahaan u tegi waayay ee aan ku diiday inay tahay in jaamacaduhu yihiin meelo siyaasada ka reeban, waxaanay hadda noqdeen meel xisbiyaddu hadda ku yooyootameen oo siyaasada lala yimaado, waxaan kula talinayaa madaxda jaamacadaha inay ka ilaaliyaan, wey ku Marti qaadi karaan Xisbiyadda laakiin kaliya ay ku Marti qaadaan inta Tacliinta ka hadlaysa. Aad iyo aad baad u mahadsan tihiin".

Source Qarannews


3. Bilowga Hawsha Wacyigelinta Diiwaangelinta oo la isku waafaqay. 

Kommishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa shaaca ka qaaday in ay si rasmi ah u bilaabmayso ololaha wacyi-gelinta diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka, Md. Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kaboweyne) oo maanta ka hadlayey munaasibad loo sameeyey bilowga ololaha wacyi-gelinta diiwaangelinta cod bixiyeyaasha oo ay ka qayb galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Madaxda Axsaabta Qaranka, Guddida Doorashooyinka, Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Marti Sharaf Kale, waxa uu ka waramay ahmiyadda ay diiwaangelintu u leedahay muwaadiniinta Reer Somaliland iyo doorashooyinkaba, isaga oo tilmaamay in diiwaangelintu tahay furaha doorasho xor iyo xalaal ah.


Mudane Maxamed Ismaaciil, waxa uu sheegay in Komishanku uu muddo ku hawlanaayeen dhamaystirka qorshaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha oo bilaabmi doonta toddobaadka foodda inagu soo haya, waxana uu xusay in ay diiwaangelintu ka dhici doonto in ka badan 982 goobood, isla markaana waxa uu ka dalbaday xukuumadda, Axsaabta Qaranka, Goleyaasha Deegaanada, Madax-dhaqameedyada iyo Qeybaha kale ee Bulshada in ay gacan ka gaystaan hawsha diiwaangelinta, si ay dalka uga qabsoomaan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dimuqraadi ah.


Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ay wacyi-gelinta diiwaangelinta u adeegsan doonaan wax kasta oo suurto gal ah oo fariimaha loogu gudbin karo dadweynaha, sida: Saxaafada, hab suugaaneed iyo dodo lagaga hadlayo ahmiyadeeda.


Waxa kale oo iyaguna munaasibadaa hadalo ka jeediyey mas'uuliyiin ka kala socday Axsaabta Qaranka (UCID, KULMIYE iyo UDUB), Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Ururada Bulshada Rayidka ah.


Somaliland.org, Hargeysa.


Posted on Wednesday, August 20 @ 16:18:32 DAVT by admin



wargaysyada dalka iyo wararkii caasimadda hargaysa jsl. - wargaysyada dalka iyo wararkii caasimadda hargaysa jsl.
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.


Pages : [ 1 ]

Name : Ducaale II
Subject : Re : wargaysyada dalka iyo wararkii caasimadda hargaysa jsl.
Date : 2008-08-20
Shuushow bax sharow guur. Waa ducada ugu danbaysa ee ay ku duceeyaan dadka inta uu Illaahay ugu jecel yahay. Kuwaas ah Hawenka, Maatida, Caruurta, danyarta, Duqayda iyo dadka daallan ee Dawladnimada buuxda u harraad qaba.

Waxa aanu ammaan ballaadhan u soo jeedinaynaa Kommishanka Doorashooyinka oo ay ka muuqato in ay yihiin dad leh karti iyo hufnaan.

Waxa laga codsnayaa Ummadda Somaliland ee sharafta leh in dhammaan loo wada guntado sidii loo dhaqan gelin lahaa Doorasho xor ah oo xalaal. Taas loo dhigo si wacdaro leh in ay ku reebto xasuus qalbiga dunida maanta iyo inta jecel qaranimada isla markaas keenta guusha kama danbaysta ah dal haysta xornimo iyo madaxbannaani buuxda oo ah qaran la aqoonsan yahay.

Waa maalenteedii iyo yaa maali jiray. Waxa maqan waa marag muujintii u danbaysay dacwadda dunida lagula jiray aqoonsiga dalka JSL.

Waxa loo soo jeedinayaa dhammaan Mujaahidiinta, Sxb-da Safka-hore JSL iyo inta u damqaynayasa dalka iyo dadka in ay wax wanaagsan ku biiriyaan qabsoomidda doorasho nadiif ah. Waxa ka soo baxana lagu kalsoonaado. Waxa reeban goolaaftankii iyo dacaayadaha raqiiska ah.

Waxa aynu Illaahay ka baryaynaa in uu isagu inoo dooro akhyaarteena oo aanu inoo doorin sharwadayaasheenna ( Al-Ashraar ).

Daawanaayow waa dalkaagii.

Wa Allaahu Almuwafaq.

Ducaale II


[ Reply ]



Name : Haiban
Subject : Re : wargaysyada dalka iyo wararkii caasimadda hargaysa jsl.
Date : 2008-08-21
Waa salaamantihiin dhamaantiin:

Waxaanu aad u farxidoonaa markaanu aragno dalkayagii iyo dadkayagii wanaag isu diyaariyay si ay u tuusaan kuwa ku mucaaridka ah jiritaanka JSL iyo adduun-weynahaba,waxaan ka fileynaa 3 Xisbi inay soo bandhigaan tartamid, dholo tus qurux-badan iyo ixtiraam isku dheehan huwan,waxa inaga caagan fadh-fadha-dhista,xinjiro faqaaska iyo isxag-xagad cidiyo ku dirirka ah oo laga fogaado hadala xun iyo waxaanay birtu gayin.Hadalka fiicani cid walba wuu deeqaa.Nadaafadu waa wax qiimo badan,JSL waa gurigeeni ee aynu qurxino oo gogol indho-sarcaadleh aan ku gogolno.ALLAHAYOW laba talaba tii roonbaanu kaa barinay,Ma doorankarnee no door.

Wassalaam.


Haiban.


[ Reply ]



Name : Mr. Halgame
Subject : Re : wargaysyada dalka iyo wararkii caasimadda hargaysa jsl.
Date : 2008-08-22
Cayda Habar Jeclo, waxa ay aad u farxad gelisaa Ducaalle II, Guuleed Xaji, Farrid, Qarxiye, Haiban, iyo qaar kale oo la wada garanayo xumaha ay dhex dabaalanayaan kuwaasoo ku goobta dadka xaqa iyo runta sheega, hase yeeshee, aan marna ka hadal kuwa dadka iyo reeraha dhan golahan hadh iyo habeen sida foosha xun uga aflagaadeeya.

Waanan ognahay, haddii Beesha Habar Yoonis ama Beesha Gudabiirsi iyo mas’uuliintooda looga caayi lahaa shabakadan iyo golaheeda fikradaha sida looga caayo Beesha Habar Jeclo iyo mas’uuliinteeda, waa hore, ayey qaylo afka saari lahaayeen oo sida u caadada ah ku wada gooban lahaayeen kuwa dadnimada xun ee duloobay ee halkan dadka iyo reeraha sharafta iyo karaamada leh ka soo caaya.

Run ahaantii, shabakada somalilandpatriots iyo golaheeda, waa goobta keliya ee sida badheedhka ah ee joogtada ah ee foosha xun looga caayo Beesha Habar Jeclo iyo mas’uuliinteeda, waana taariikh qormaysa oo aan la dafiri karin.

Guul iyo Gobanimo,

Mr. Halgame,
May God bless the people and the State of Somaliland. Amiin.


[ Reply ]



Name : Haiban
Subject : Re : wargaysyada dalka iyo wararkii caasimadda hargaysa jsl.
Date : 2008-08-23
Waa salaamantihiin dhamaantiin:
Anigu kuugu yeedhimaayo magacyada dadka qaarkii halkan kuugu soo qoraan,shabakandan haddaanad raali ka ahayn dee iskaga tag iyadiyo caydeedaba,maxaa kugu xidhxidhay ee kugu dhajiyay.Waxaad dooda ka dhiganaysaa waxba kuu tarimayso, Waxaad tidhi ( Cayda Habar Jeclo, waxa ay aad u farxad gelisaa Ducaalle II, Guuleed Xaji, Farrid, Qarxiye, Haiban, iyo qaar kale oo la wada garanayo xumaha ay dhex dabaalanayaan )Taasi waa mid afka inuun xishood ku hadhay ka yaqyaqsoodo inuu ku fikiro daa ku dhawaaqisteedo,Habar Jeclo waa ayo markaan ku farxayno caydeeda.Waar malaha wixii lagugu sheegi-jiraa wax ka jiraan.Habar jeclo waa anaka,anakuna Habar Jeclaanu nahay[Wanaageeduna wuu naka farxinayaa,xumaheeduna wuu na xumeynaa],waxa laga yaabaa inaanad reerkaba ahayn ee aad sheegato tahaye mar-dambe yaanaan kaa maqlin Habar Jeclo iyo ciday tahay-toona,Halkan waxa ka muuqata inaad dadka sanka ka marmarinaysid Habar Jeclo si loo caayo ee la eeg-eego qaar kaasii caqli liita anaku waanu dhaafsiisanahay halkaad birinbirqaynayso ee aad ku ciyaar baranayso,Haddaanu doonayno inaanu ku faraxno cayda Habar Jeclo amba ay na farxad galinayso noocaagoo kale nooga soo jeedimaayo walaa qayrag,waxaan aad uga xishoodaa inaan akhristo waxaad qolka yar ee faalooyinka ku soo tuusho ee maanta ishaaba igaga dhacday iyo magacyada xishmada mudan eed soo uruursatay. Waa halkii Mj.Ducaale II maahmaah Carabiyaa tidhaahda ( اذا لم تستحى فصنع ما تشاء ),haddii ay cid la hadlilahaayeen akhyaartaad halkan aad ku magacwday adigay kula hadlilahaayeen ee waxay fahansanyihiin AAYADA QURAANKA AH EE KU JIRTA JISKA 29 naad,SUURADA ALXAAQA AAYADA 12naad INTEEDA DAMBE ( وتعيها ادن واعية ).sidaa daraadeed daydayo qoomkaaga oo amaanka noogu roonow,waxaad tidhiba lagu yidhiye.


Wassalaam.

Haiban.


[ Reply ]



Name : Mr. Halgame
Subject : Re : wargaysyada dalka iyo wararkii caasimadda hargaysa jsl.
Date : 2008-08-23
TESTING...TESTING...TESTING...!

TIJAABO...TIJAABO...TIJAABO...!


[ Reply ]



Name : Mr. Halgame
Subject : Re : wargaysyada dalka iyo wararkii caasimadda hargaysa jsl.
Date : 2008-08-23
TESTING...TESTING...TESTING...!

TIJAABO...TIJAABO....TIJAABO...!

WEEDHAHAN KOR KU CAD, WEY KU SOO BAXAYAAN GOLAHA, HASE YEESHEE, JAWAABTII AAN U DIYAARIYEY HAIBAN, WAA LAYGA BALOOGAY, WAANA TAB AY ADEEGSADAAN CANAASIIRTANI!


[ Reply ]



Name : Mr. Halgame
Subject : Re : wargaysyada dalka iyo wararkii caasimadda hargaysa jsl.
Date : 2008-08-23
TIJAABO….!!!!

JAWAAB MUNAASAB AH OO AAN KAGA JAWAABI LAHAA QORAALKA CAYDA AH EE NINKA LA YIDHAAHDO HAIBAN, WELI, BALOOGII CANAASIIRTA, AYAA SAARAN OO HALKAN KU SOO BIXI MAAYO SI KASTA OO AAN UGU CELCELIYO AMA WAX KA YARA BEDELO.

HASE YEESHEE, WAXAAN IDIN LA SOCODSIINAYA, IN QAAR KA MID AH KUWA MAGAYADA BADAN GOLAHAN KU SOO GALA SIDA DUCAALLE II, GUULEED XAAJI, HAIBAN, IYO QAAR KALE OO LA WADA YAQAAN OO AY ISKU HAL RUUX AMA QOF YAHAY CADEYTEEDANA, WAA LA HAYAA.

GUUL IYO GOBANIMO,

MR. HALGAME,
MAY GOD BLESS THE PEOPLE AND THE STATE OF SOMALILAND. AMIIN


[ Reply ]


Pages : [ wargaysyada dalka iyo wararkii caasimadda hargaysa jsl. 1 ]